Xildhibaano sheegay in uu bur buray Mooshinkii Jawaari

Waxaa xalay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kulan ku yeeshay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadaan oo sheegay in ay tiradooda ay tahay 120 Mudane ayaa sheegay in uu bur buray Mooshinkii Jawaari laga keenay.

Xildhibaanada ayaa cuskaday Qodob Xeer hoosaadka ah islamarkaasina ah in uu dhaafay Muddo Toban bari ah.

waxa ay aheyd 18-kii Bishaan markii mooshinka la soo gudbiyay ilaa xiligaan oo ay soo gudubtay muddo toban bari ah.

Gudoomiye Jawaari ayeey ugu baaqeen in uu guto hoowshiisa maadaama uu buray mooshinkii laga keenay.

Hoos ka Aqriso Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanadaasi.

Arintaan ayaa baasiin ku sii daartay khilaafkii u dhaxeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo ku aadanaa Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Hoos ka Daawo Sawirada Xildhibaanadii Kulmay

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho