Diyaarada Air Djibouti oo ka bilawday Duulimaad Puntland

Bosaso-[Puntland Post]-Diyaarada Duulimadaka ee Air Djibouti ayaa Maanta duulimadkeedii ugu horeyey ka bilawadaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,.

diyaaradan ayaa keenisteeda Boosaso waxa ka danbeyey Ganacsato Reer Puntland ah waxana ay isaga kala gooshi doonta qaar kamid ah dalalka soomaliya la dariska ah iyo magaalooyinka Jabuuti,Hargeysa Bosaso iyo Muqdisho.

Maamulka Gobalka Bari, Ganacsato iyo qeybo ka mid ah buslahada Bosaso ayaa si balaaran ugu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo hogaaminayey waftiga diyaarada la socdaya Masuuliyiinta shirkada duulumaadka ee Air Djibouti iyo qeyb ka mid ah shaqaaleheeda oo diyaarada Air Djibouti la socday.

Yuusuf Maxamed Waceysa dhedo Gudoomiyaha Gobalka Bari, ayaa sheegaya in duulimadka ay diayaradan ka bilawaday Boosaso ay faraxad galinayso Bulshada Reer Puntland waxan uu balan qaadaya in si dhaw ay ula shaqeyn doonan ka gobal ahan.

Ciise Guude Xaaji oo ah Maamule ku xigeenka Guud ee shirkada Duulimaadka Ee Air Djibouti ayaa shaciyeey duulimaadyada ay diyaaradu ka sameyn doonto Boosaso,

Wakiilka Puntland ee Djibouti Siciid Mahdi Cabdi Ayaa Sheegay in Ka Puntland ahaan ay ka go’antahay sidey u xoojin lahaayeen Xiriirka Kala Dhaxeeya Dowladda jibouti , Isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo hogaminayey Waftiga Diyaarada la socdaya ee ka yimid dalka Jabuuti ayaa bogaadiyey imshaha Air Djibouti Puntland waxana uu shacabka ugu baaqay in ay ka faa,idaysatan Duulimadyada ay diyaardu sameynayso.

Tan iyo markii xariga laga jaray garoonka Bosaso waxaa isa soo tarayey Shirkadaha dhinaca duulimaadka, kuwaasi oo xafiisyo ka furtay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso.


CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST -BOSASO