Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay waxaa Ra’isilwasaare ka Noqonayo Nin Oromo ah oo Muslim ah.
Abiyyi Ahmed Ali waa nin udhashay Qoomiyada ugu badan Itoobiya ee Oromada waa siyaasi rug Cadaa ah wuxuuna hada yahay hogaamiyaha xisbiga OPDP (Oromo Peoples’ Democratic Organization).
Abiyyi Ahmed 44 jir katirsan Baarlamaanka dalkaasi kana mid ah rugcadaaga siyaasadeed ee dalka Itoobiya.
Horay ayuu u soo noqday Ra’isilwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya uu muddo hayay.
Waa aqoonyahan Shahaadada PHD-da ka diyaariyay Sayniska iyo Tiknoolajiyada.
Waxaa arintaasi soo dhowaayay shacabka dalka Itoobiya waxaana uu u muuqdaa in ay dariishada ka bixi doonto khilaafka iyo kacdoonkii Oromada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho