Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo ku beegan Talaado 27-March lagu wadaa in ay ka wada hadlaan darbiga muranka badan dhaliyay ee Kenya ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya ay la wadaagto.
Guddiyo kala matalaya labada dhinac ayaa maanta kulmaya kuwaasi oo ka wada hadlaya darbiga kenya iyo sida xalka loogu heli karo.
Guddiyada ayaa ka hadlaya qaabka loo joojin lahaa dhismahaasi oo gudaha u soo galay Soomaaliya.
Maalin ka hor Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay u wakiilatay wada hadaladaasi maanta dhacaya.
Shalay Madaxweyne Farmaajo ayaa Taleefon kula hadlay madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta iyaga oo isku afgartay in la joojiyo dhismahaasi.
Shacabka Baled-Xaawo ayaa sheegay in dowlada Kenya ay gudaha u soo gashay Degmada Baled-xaawo iyaga oo ka dhiidhiyay arintaasi dagaalna kala hortagay Ciidamada Kenya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho