Waxaa Howlgal Culus uu ka socdaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Howlgalkaan oo amarkiisa uu iska lahaa Ra’isilwasaare Xasan Cali kheyre ayaa ka socdo Degmooyinka Muqdisho.
Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho iyo xaafadaha qaar.
Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka iyo xaafadaha Muqdisho si amaanka ay u sugaan.
Dhanka kale ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho sida Wadada Maka Al-Mukarama iyo wadda Tarabuunka ee Muqdisho.
Howlgaladaan ayaa ka duwan kuwii hore oo ciidamada amaanka ay ka sameeyn jireen Muqdisho.
Wali laamaha amaanka wali kama hadlin howlgaladaasi ay ka wadaan Muqdisho.
Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro ay ka geeystaan Kooxda Al-Shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho