Haya,adda Kaalo oo Bosaso ku Qabatay Tababar ku Saabsan Xuquuqda Qoxootiga

Bosaso[Puntland Post]-Tababarkan oo looga hadlayey Xuquuqda qoxootiga ka soo haajiray dalkood oo ku sugan Deegaanada Puntland ayaa loo qabtaya Qoxootiga ku nool Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari,.

Tababarkan ayaa waxa furaya masuuliyiin ka socday Wasarada Arimaha Gudaha Maamulka Puntland waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta ka socday qaxootiga ku dhaqan Bosaso iyo masuuliyiinta Hay’ada Kaalo .

Abdijalil Siciid Xaashi oo ka socdaya Haya,adda Kaalo islamarkan bixinayey Tababarka ayaa ka qeyb galayaasha kula dar daaramay in ay ka faaiidaystaan caasharada ay qaadanayaan .

Wuxuu kale oo xusay in la ilaaliyo xuquuqda bini aadanka gaar ahaana xuquuqda qaxootiga maadaama ay yihiin dad ka soo qaxay wadan koodii hooyo kuna sugan Puntland si sharciga caalamiga iyo kan Puntland udagan waafaqsan .

Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobe UNHCR iyo haya’ada Kaalo waxaana tababarkan horay loogu qabtay Magaalooyinka kale ee Puntland wuxuuna Qayb ka yahay mashaariic ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso