Dekeda Muqdisho oo lagu qabtay Kuntuneer siday Qamri

Warar lagu kalsoonaan karo oo goordhow ku soo dhacay warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amniga ee Dekeda Muqdisho ay qabteen qamri.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku sii darayaan in Kuntuneerkaan uu siday qamri ciidamada amaankana ay ka shakiyeen taasi oo keentay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Ciidamada Booliska ayaa ugu dambeeyntii ku guuleeystay in ay gacanta ku dhigaan Qamrigaasi iyo ragii watay.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ay wariyaasha u soo bandhigaan.

Dhowr jeer oo hore ciidamada amaanka ayaa ku qabtay Dekeda Muqdisho waxyaabaha maanka dooriya oo la doonayay in Magaalada Muqdisho lagaliyo .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho