Qarax culus oo ka dhacay Isgoyska Sayidka oo ku dhaw Xarunta Baarlamaanka Somalia

Muqdisho (PP) ─ Qarax aan weli la ogaan khasaarihiisa ayaa goor-dhaw ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho oo ku dhaw xarunta Baarlamaanka Somalia, waxaana qaraxan uu ka dhacay koontarool ay ciidamada Dowladdu ku baaraan gaadiidka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhulka daadsan, balse aanay garan Karin inay dhinteen iyo inay dhaawac yihiin, waxaana goobtaa gaaray gaadiid gurmadka deg-degga ah, kuwasoo caawinaya  dadkii ay waxyeelladu soo gaartay.

Sidoo kale, Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo dadku ay argagax weyn ka muujiyeen qaraxan, kaasoo kusoo beegmaya maalmo kaddib markii uu ka dhacay illinka Hotel Wehliye oo aan sayidka ka fogeyn Qarax khasaare badan geystay.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaa xaqiijiyay in qaraxan oo ah mid xoog leh uu dhacay, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyo cid ka dambeysa, balse wixii kasoo kordha ay warbaahinta la wadaagi doonaan.

Dhanka kale, Rasaas culus ayaa qaraxa kaddib laga maqlay goobta, taasoo la sheegay inay is-weydaar-sanayaan ciidamadii koontaroolka ku sugnaa iyo kooxihii weerarka qaaday, kuwaasoo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia.

Halka uu Qaraxan ka dhacay ayaa waxaa ku sugan ciidammo ilaaliya madaxtooyada iyo xarumaha kale ee Dowladda oo ay ka mid tahay taliska booliiska Soomaaliyeed ee loo yaqaan Oto-oto, waxaa kaloo ku dhaw hoteel ay dadku ay aad u tagaan iyo goobo ganacsi.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ka dhaca Muqdisho muddo toddobaad gudihiis ah, waxaana qaraxii midkan ka horeeyay ku dhintay in ka badan 15-qof, yadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labaatan qof.

Wixii faahfaahin ah ee Qaraxan kusoo kordha kala socod Puntland Post.

PUNTLAND POST