Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geystay oo ka dhacay Galabta Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay Isgooyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca raaxada waxaana xiligaasi baarayay ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya.
ku dhowaad 5 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi uu isugu jiro askar iyo dad shacab ah.
Sidoo kale waxaa halkaasi ku basbeelay Gaadiid iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta oo dadka reer Muqdisho ay aad u isticmaalaan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho