Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa Degmada Cabdicasiis ee Muqdisho waxa ay ku qabteen Gaari Siday Hilbo aan cunitaanka ku haboonayn ama daahay.
Gaarigaan oo ah nooca Soomaalida ay u taqaano UD-ga ayaa waxaa ciidamada amniga kusoo wargaliyay dadka deegaanka Cabdi Casiis oo gaarigaan ka shakiyay.
Dadka Muqdisho ayaa isla dhexmarayay saacidihii la soo dhaafay in gaarigaan uu siday Hilbo, Dad qaar kamid ahna warbaahinta ayey sidaasi u sheegayeen.
Hayeeshee waxaa maamulka degmadaasi uu xaqiijiyay in gaarigaasi uu siday Hilib Xoolaad oo qurmay.
Dadka Muqdisho ayaa baryihii ugu dambeeysay ka cabanayay Alaabooyinka ay isticmaalaan oo xadkii loogu talagalay ka baxay islamarkaasina la soo galiyo Suuqyada Muqdisho.
Tan iyo markii ay dhacday dowladihii dhexe ee dalka Soomaaliya ma jirin dowlad awood badan oo si hufan u hubiso alaabaha iyo badeecooyinka lagu iibiyo suuqyada dalka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho