Saraakiil sar sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo goostay kooxdaasi iyaga oo hadda ku biiray Dowlada Soomaaliya.
Macalin Geedoow Aadan Abuukar oo ahaa u qaabilsanahay Al-Shabaab ee Gobolka Baay iyo Cabdiraxmaan Fiiloow oo isnaa ahaa u qaabilsanihii Al-Shabaab Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Kooxdaasi.
Wareeysi ay la yeelatay Warbaahinta Dowlada xubnahaan ka goostay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay isaga tageen kooxdaasi kadib markii sida ay sheegeen ay isku fahmi waayeen Arimaha ku aadan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayeen sida uu sheegay.
Labadaan Masuul oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qaateen cafiskii uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxa ay sheegeen in ay dowlada ku caawinayaan dagaalo la la galo Al-Shabaabkii ay muddo ka tirsanaayeen.
Baryihii ugu dambeeysay waxaa Dowlada Soomaaliya isku soo dhiibayay saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho