Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Puntland Post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu codsi u diray Beesha Caalamka.
Gudoomiyaha ayaa warqadaan codsiga ah u diray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub Midowga, Afrika waxaana uu u cadeeyay in uu diyaar u yahay in cod loo qaado Mooshinka laga soo gudbiyay.
Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in xor iyo xalaal ah ay ugu dhacdo Mooshinka xilka loo qaado.
Jawaari ayaa codsaday in kulanka Baarlamaanka ee lagu soo bandhigayo Mooshinkiisa uu ka dhaco Teendhadii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo oo ku taalo Garoonkii hore ee ciidamada Cirka Afsisyooni.
Warqadaan ayaa sidoo kale uu Mr Jawaari ku codsaday in amaanka goobta ay ilaaliyaan Ciidamada Un-ka iyo kuwa AMISOM.
Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay aqbaleen codsigaasi ka yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Lama shaacin xiliga uu sida rasmiga ah u furmi doono kulanka Baarlamaanka ee lagu horgeeynayo mooshinka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari.
Lama sii saadaalin karo xaalka sida uu isku badali karo iyo halka uu ku dambeeyn doono khilaafkaan siyaasadeed hayeeshee Xildhibaano badan ayaa ku adkeeysanayo Go’aanka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho