Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada weerarkii Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
War ay baahisay Warbaahinta Al-Shabaab ee la yiraahdo Andulus ayaa lagu sheegay in iyaga qaraxaasi ay ka dambeeyeen.
Al-Shabaab waxaa kale oo ay sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sheegay in 10-Askari oo katirsan ciidamada dowlada ay qaraxaasi ku dhinteen.
Galabta ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax qasaare geeystay qaraxaasi oo ay ku dhinteen Dad ku dhow 20 oo u badan dad shacab ahaa.
Al-Shabaab ayaa qaraxyo kala duwan ka geeysta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho