Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax ismiidaamin ah oo Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Wadadda Mashquulka badan ee Makka Al-Mukkarama ee Magaalada Muqdisho.
Inta ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday 14- ruux oo ah dad shacab halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay ayaa waxaa ay u badnaayeen dad rayid ahaa oo fadhiyay maqaaxi ku taala agagaarka Hoteelka Wehliye ee Muqdisho.
Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiro dad shacab ahaa oo wadada marayay iyo dad saarnaa Gawaarida shacabka iyo Mootooyinka Bajaajta.
Qasaaaraha ayaa intaasi ka sii badan karo waxaana wali lagu guda jiraa baadi goobka dadka qasaaraha uu ka soo gaaray.
Hoos ka daawo Sawiro hordhac ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho