Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geeyseey oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Maamulka Koonfur Galbeed oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa eedeeyn u jeediyay Madaxweyne Shariif Xasan.
Geeyseey ayaa ugu horeeyn wax lagu xumaado ku tilmaamay xildhibaano katirsan Koonfur Galbeed oo Muqdisho ku qabtay shir ay uga soo horjeedaan Jawaari.
Waxa uu sheegay in xildhibaanadaasi ay lacago ka qaateen Xafiisyada Dowlada Soomaaliya.
Dhinaca Kale Xildhibaan Geeyseey ayaa eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Geeyseey ayaa ku eedeeyay in Shariif Xasan uu Mooshinkaasi wado lacago badana uu ku bixinayo.
Ujeedka Shariif Xasan ayuu ku sheegay in uu doonayo in uu bur buriyo Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa ku kala qeeybsan siyaasada qaar waxa ay taageersanyihiin Jawaari halka kuwa kalena ay saxiixeen Mooshinka kalsoonida loogala noqonayo Jawaari.
Hoos ka Dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho