Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey oo wariyaasha goordhow kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa baaq u diray Xildhibaanada.
Cabdiwali Sh. Ibraahim ayaa ku amray dhamaan xildhibaanada dalka ka maqan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka ugu soo laabtaan si looglo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.
Dhinaca kale Gudoomiye Muudeey ayaa sheegay in lakala fikirduwaanaan karo isaga oo sheegay in waajib ay tahay in la ilaaliyo kaaramada iyo sharafta Baarlamaanka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay Mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari, halka ay kuwa kalana ka hor yimaadeen mooshinkaas.
Hoos ka dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho