Dalladaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo War ka soo saaray khilaafka Dowladda Federaalka

Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee ka jira Soomaaliya ayaa War-murtiyeed ka kooban 9 qodob ka soo saaray xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhex jira xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

War-murtiyeedka dalladaha ayaa loogu baaqay Madaxda Dawladda Federaalka in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Soomaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud.

Sidoo kale dalladaha ayaa sheegay in ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee Guddoomiyaha Baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya, waxayna ka digeen in hantida Qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowladda.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA

PUNTLAND POST