Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay xeerka dalka looga mamnoocayo Shirkada DP World ee dalka Imaaraadka.
Shirkaan waxaa shir gudoominayay Gudoomiye Cabdi Xaashi waxana ka soo qeeybgalay 36 Mudane.
28 kamid ah 36-kaasi mudane ee maanta kulankaasi joogay ayaa ogolaaday in shirkada DP World laga mamnooco dalka.
6 Xildhibaan ayaa diiday halka labo xildhibaana ay ka aamuseen sidaasi ayuuna ku dhawaaqay in la ansixiyay Xeerkaasi dalka looga mamnoocayo shirkada DP World.
Shirkii maanta ayaa intiisii badnaa waxa uu u badnaa buuq hareeyay Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka inkastoo markii dambe ay ansixiyeen.
Xeerkaan ayaa waxaa u dhiman oo kale in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho