Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay cida soo abaabushay Mooshinkii la doonayay in xilka looga tuuro Gudoomiye Jawaari.
Abuukaate ayaa sheegay in Mooshinkaasi laga soo abaabulay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyere islamarkaasina dadka ugu badan ee saxiixay ay yihiin Xildhibaanada wasiirada ah.
Waxa uu tilmaamay in mooshinkaasi lagaga soo horjeedo go’aankii Baarlamaanka uu dalka kaga mamnoocay shirka DP World islamarkaasina Xukuumadu ay diiday go’aankaasi.
Waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in ay diidaan mooshinkaasi uu ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn sharciga Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin ka soo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismana Jawaari.
Hoos ka Dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho