Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudeey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadalay Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Muudeey oo Wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mooshinkaasi uu yahay mid sax ah islamarkaasina isaga ay u dhiibeen si Baarlamaanka loo horgeeyo.
Cabdiwali Muudeey ayaa sheegay in tiradii loogu talagalay oo mooshinka laga soo gudbiyo ay mooshinkaasi soo gudbiyeen islamarkaasina sharci ay tahay.
Waxa uu ku baaqay in sareeynta sharciga laga hormariyo wax walba Dowladnimadana ay ku jirto Sharciga.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Saakay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sh Ibraahim Muudeey u gudbiyay Mooshin ay ka wadaan Gudoomiye Jawaari.
Hoos ka Dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho