Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka soo gudbiyeen Mooshin xil ka qaadis ah ayaa arintaasi ka hadlay.
Gudoomiye Jawaari ayaa ka hor hadlayay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan Mooshinkaasi ay kaga hadlayeen ku yeeshay Villa Hargeysa.
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi aanu gaarin xadkii lagu qaban lahaa.
Gudoomiye Jawaari oo kulankaasi Goobjoog ahaa ayaa ugu mahad ciliyay guddiga Joogtada tilabadaasi ay dib ugu ciliyeen Mooshinkii isaga laga waday.
Gudoomiye Jawaari ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka isaga oo ku baaqay in sabtiga si caadi ah kulanka Baarlamaanka uu u dhaco.
Jawaari ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshiyaha ay tahay mid caadi ah Shaqada Baarlamaanadana ay sidaasi tahay
“Waxaan codsanayaa in dhammaan xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada, Sabtida wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona Howlaheena caadiga ahaa, dhammaan waan idinkaga mahadcelinayaa bisdeelka siyaasadeed.” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari
Xildhibaana katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ah ka soo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu fashilmay mooshinkaasi kadib markii xildhibaano ay ka laabteen.
Hoos ka Dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho