Xubnaha Aqalka sare oo Maanta ka Doodaya Xeerka Dalka ka Mamnuucaya Shirkada DP World

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay Kalfadhigooda Sedexaad shalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.

Xildhibaan Maxamed Aamiin oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ee Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka sare ay guryahooda kusoo aqristeen Xeerka oo shalay loo qeybiyay sidoo kale ay ka hadli doono arimo ku saabsan amniga

Aqalka sare Baarlamaanka ayaa maanta kulmaya waxayna ka doodayaan xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, xeerka waa loo qeybiyay way soo aqriyeen maanta markuu furmana waa laga doodi doonaa, hadii ay dooda maanta ku filnaato waxaa macquul inay soo gaba gabowdo, hadii waqti loo baahdana waxay ku xiran tahay dooda iyo sida ay noqoto iyo waxaa sidoo kale laga hadli doonaa amniga, arimo badan oo amniga ayaa taagan, iyana dood ayaa laga furi doonaa insha alaah”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aamiin

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shalay soo bandhigay Warbixin uu kaga hadlayo Waxyaabihii u qabsoomay Kalfadhigii hore iyo Arimaha horyaala Kalfadhigan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalin ka hor ansixiyay xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,kaasi oo guud ahaan Dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.

Xigasho: Somali National News Agency(SONNA).

PUNTLAND POST