Xildhibaanadii Mooshinka ka soo gudbiyay Jawaari oo War cusub soo saaray

Qaar kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee saakay saxiixay mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari ayaa goordhow oo caawa ah war cusub soo saaray.

Xildhibaanada ayaa sheegay in sharciga lagu tumanayo iyaga oo qaadacay shir looga hadlayay mooshinkaasi oo maanta ka dhacay xarunta Guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Jawaari aanu qaban karin kalfadhiga Baarlamaanka ilaa kalsoonida la siinayo ama lagala laabanayo.

Sdoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in la siyaasadeeyay mooshinkaasi islamarkaasina faragalin lagu wado go’aanka Xildhibaanada ay gaareen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanadii saxiixay mooshinkaasi qaarkood ay ka laabteen go’aankaasi Mooshinka ay kaga soo gudbiyeen Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari wax war ah kama soo saarin mooshinkaasi laga soo gudbiyay hayeeshee waxa uu wadaa kulamo uu la qaadanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee isaga taageersan.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaanada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho