AMISOM oo Hir-shabeelle ka caawin doonto in ay ka gudubto Caqabadaha dhanka Amniga

Muqdisho (PP) ─ Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madiera ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, kaasoo looga hadlay orshaha xil-wareejinta ee ciidamada nabad-ilaalinta ah ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhan kooxda Al-shabaab.

Kulanka ayaa imanaya kaddib weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo AMISOM oo wehlinaayay baabuur rayid ah oo gargaar bani’aadinimo ka siday Muqdisho una waday magaalada Jowhar horraantii bishan. Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburiyay seddax baabuur oo rayid ah, ayaga oo adeegsanayo walxaha qarxa ka hor inta aanay iska caabbin ciidamada AMISOM.

Isaga oo wadahalka kaddib hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho, ayaa Danjire Madeira oo sidoo kale ah madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) sheegay in uu la socdo caqabadaha uu la tacaalayo maamulka HirShabeelle oo ah maamulka ugu dambeeyay ee shanta maamul goboleed ee ka aasaasan Soomaaliya.

Caqabadaha qaar ayaa waxaa ka mid ah isku furka Waddooyinka Muhiimka ah (Muqdisho-Balcad-Jowhar-Beledweyne) iyo in gacan laga siiyo maamulka in uu hab-dhismeed maamul ka sameeyo dhulalka la xorreeyay.

“Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha la xiriira xil wareejinta, waxaana isla eegnay meelaha xil wareejinta ay u baahan tahay in laga xoojiyo, kaalinta aan isleennahay ciidamada maamul goboleedyada waa ay ka qaadan karaan iyo muhiimadda ay ciidamada maamul goboleedyada ku leeyihiin in ay sugaan amniga waddooyinka muhiimka ah ayaga oo barbar soconayaa AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Danjire Madeira oo ay wehlinayeen shaqaalaha sarsare ee Howlgalka oo uu ka mid yahay ku xigeenkiisa, Simon Mulongo, ayaa sheegay in ciidamada nabad-ilaalinta ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowlad goboleedka si loo hirgeliyo xasillooni, iyada laga dhisayo hab-dhismeed maamul meelaha ay AMISOM xorreysay.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay jirto “baahi loo qabo in la hirgeliyo waxyaabaha kale ee xasilloonida keeni lahaa sida hay’adaha dowladnimada, maamuleyaasha iyo saraakiisha arrimaha madaniga, hay’adaha bani’aaddinimada, iyo booliska iyo sidoo kale hay’adaha sharciga iyo kala dambeynta,” si xasillooni looga hirgeliyo maamulka.

Madaxweyne Waare ayaa ammaanay doorka ay AMISOM ka ciyaarta xorreynta qaybo ka mid ah HirShabeelle, isaga oo ka xumaaday weerarka loo geystay askarta AMISOM.

“AMISOM waxaa ay muhiim u tahay nolol-maalmeedkeenna, ayaga oo gacan inaga siiyaa in aan wax ka qabanno caqabadaha ay la tacaaleyso HirShabelle,” ayuu yiri Madaxweynaha asaga oo intaasi raaciyay; “Aniga oo ku hadlaya afka shacabka reer HirShabeelle, waxaan doonaya in aan idin ka tacsiyeeyo dhacdadii ka dhacday Balcad 2-dii Maarso, 2018-ka, taasi oo askar ka tirsan ciidamada Burundi oo sogootinaayay kolonyo siday saad weerar gaadmo ah lagu qaaday.”

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa kaddib xafiiskiisa ku booqday Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire. Waxaa ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo la xiriira nabadgelyada gobolka iyo guud ahaan dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay ina ah fursad qaali ah in aan imaado oo aan soo booqdo Taliyaha cusub ee ciidamada. Waa markii igu horreeysay oo aan soo booqdo islamarkaasina aan uga war bixiyo xaladda ay ku jiraan ciidamadeena ku sugan gudaha HirShabeelle” Madaxwayne Ware ayaa yiri.

Ugu dambeyn, wuxuu Xusay in Wadahadalada diirada lagu saraayay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo in la furo wadooyinka muhiimka ah ee gudaha HirShabeelle. Waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Mudane Mulongo iyo Wasiirka Amniga.

PUNTLAND POST