Xildhibaanada Aqalka sare oo ka doodaya Arinta Shirkada DP World

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Aqalka sare ee Muqdisho.

kulankaan oo ah mid xasaasi ayaa waxa ay ka hadli doonaan arinta la xariirta go aankii shalay ee Baarlamaanka.

Xubnaha aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay ku raacaan islamarkaasina ay taageeraan go aankii shalay Baarlamaanka.

Xubno katirsan Aqalka sare ee dalka ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post xafiiskeeda warqabadka Muqdisho in ay Golaha uu taageersanyahay go’aankii shalay ee Xildhibaanada aqalka hoose.

Markii iyana ay meel mariyaan Xildhibaanada aqalka sare qaraarka dalka lagaga mamnoocayo shirkada DP World ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Madaxweyne Farmaajo si uu u saxiixo.

Waxaa sii xoogeeystay qilaafka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya kaasi oo ku aadan heshiiskii shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ay Soomaaliland la saxiixatay heshiis Dowlada Soomaaliyana ku tilmaamtay mid sharci daro ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho