Wasaarada Amniga oo ganacsatada ku war-gelisay inaysan qaadan Amarada Al-shabaab


Muqdisho (PP) ─
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/casiis Cali Ibraahim oo ku magac-dheer Xildhibaan ayaa uga digay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdiso inay qaataan amarada kooxda Al-shabaab.

Mudane C/casiis Xildhibaan oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay la socdaan ganacsatada qaar oo Al-shabaab siiya lacago uu ku tilmamaya kuwo baad ah.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay inay hayaan liiska ganacsato uu sheegay inay lacago siiyaan kooxda Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagxiso, isagoo ugu hanjabay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Afhayeenka ayaa faray milkiilayaasha garoomada yar-yar ee lagu cayaaro kubadda cagta inaysan amarka Al-shabaab ku xiri karin garoomadooda, isla markaana ay tahay inay furaan si ay bulshadu uga faa’iideysato.

“Waxaan ugu baaqaynaa milkiilayaasha garoomada salaxa inaysan amarka Al-shabaab ku xiri karin garoomada, Al-shabaab kama taliso Xamar,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan..

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo kooxda Al-shabaab ay dhawaan amarro kusoo rogay garoomada Salaxa ah ee ku yaalla qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay fuliyeen amarka, isla markaana xireen.

Ugu dambeyn, Ganacsatada Muqdisho ayaa ku jah-wareersan amarrada iska soo hor-jeeda ee Dowladda Somalia iyo Kooxda Al-shabaab ku soo rogaan, iyadoo ay jiraan ganacsato looga yeero deegaanka Tooratoorow oo la siiyo amarro la xiriira bixinta lacagaha loo yaqaano Zakada.

PUNTLAND POST