Baarlamaanka Somaliland oo si kulul uga jawaabay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaaladda Hargeysa ayaa taageeray heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee Dekadda Magaaladda berbera maamulka Somaliland, Shirkadda DP World ee dalka imaaraadka Carabta, iyo Dowladda Ethopia.

Baarlamaanka Maamulka Somaliland waxa ay canbaareeyeen xeerkii ay shalay soo saareen Xildhibaanadda Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya, kaasi oo lagu joojiyay heshiiska, sidoo kalana dalka loogu mamnuucay shirkadda DP World.

PUNTLAND POST