Al-shabaab oo xir-xirtay Garoommo yar-yar oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa mar kale amarro ku aaddan in la xiro ku soo rogay Garoomada yar-yar ee kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaala degmooyinka kaabiga ku haya madaxtooyada Somalia ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa horay amarkan oo kale uga dhaqan-galisay degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Kaaraan iyo Dayniile, iyagoo hadda u muuqda mid ku faafay degmooyinka ku yaalla bartamaha caasimadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Xaafadaha Hodan, Howl-wadaag, Waabari iyo Wardhiigley ayaa xusay in Al-shabaab ay xalay lasoo xiriirtay milkiilayaasha garoomada kubadda cagta ee ku yaalla Degmooyinkaas, kuna amreen in la xiro.

“Waxaan ka mid ahaa dhallinyarada doonayay inay saakay ku ciyaaraan mid ka midah garoomadan, balse milkiilaha ayaa noo sheegay in Al-shabaab ay ku amartay inay xiraan, innaguna ma diidi karo oo waan xirnay,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ku cayaari jiray garoommadaas yar-yar ee lagu soo rogay amarka.

Garoommada lagu amray in la xiro ayaa ku yaalla agagaarka Wadada Maka Al-Mukarama illaa agagaarka Madaxtooyada Somalia, waxaana si isku mid ah loogu wargeliyay inay joojiyaan illaa amar dambe.

Dhanka kale, Garoommada yar-yar ee roogga lagu fidiyay ee lagu cayaaro kubadda cagta habeen iyo maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo kordhay, waxaana uu nuuc ganacsi oo dhalinyarada ku ciyaareysa lacago looga qaado saacadiiba.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin amarka la sheegay in Al-shabaab ay ku xirtay goobaha lagu cayaaro kubadda cagta eek u yaalla Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso tallaabo kale oo dhan ka ah dowladda oo ay qaaday Al-shabaab.

PUNTLAND POST