Xukuumada Soomaaliya oo Dacwad ka Gudbisay Dowlada Imaaraadka Carabta

Wasaarada Arimaha dibada Xukuumada Federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka ayaa ka Gudbisay dacwad.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Amba Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay Jaamacada Carabta u gudbisay Dacwad ka dhan isaga oo sheegay in Imaaraadku uu ku soo xadgudbay Qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay la kulmeen masuuliyiin ka socoto Dowlada Itoobiya iyaga oo kala hadlay arimo ku aadan saami qeeybsiga ay ka heleen dekeda Ber Bera.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliland iyo Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah islamarkaasina dowlada Soomaaliya aanay ka soo horjeedin hormarka Soomaaliland hayeeshee ay tahay mid sharci daro ah heshiiskii ay la geleen Imaaraadka.

Shirkada DP World ayaa ku dhawaaqday dhowaan in Dowlada Soomaaliya aanay sharci u laheyn in ay soo faragaliso heshiiskii dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada Imaaraadka Carabta.

Hoos ka Dhageyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho