Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay Howlaha cusub ee Horyaalla Baarlamaanka Somalia

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Aaden Jawaari oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Xukuumadda Somalia ka codsaday inay fuliso ballan-qaadyo dhawr ah oo ay soo jeediyeen kal-fadhigii hore.

Jawaari, ayaa sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kal-fadhigan ay isku dayi doonaan – dib u dejinta Dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca dalka, sal-u-dhigidda federaaleynta, dimuqraadiyadda, go’aan ka gaarista maqaamka Muqdisho.

Sidoo kale, Afhayeenka baarlamaanka ayaa xusay in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo, maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960-kii illaa 1972-kii.

Guddoomiyaha ayaa ammaan u jeediyay baarlamankaan Tobanaad oo uu ku tilmaamay inay ka shaqa badan yihiin kii sagaalaad 42%, wuxuuna intaa ku daray inay meel-mariyeen muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen 33 go’aan, halka baarlamankii kan ka horreeyayna ay meel mariyeen 14 keliya.

Prof. Jawaari ayaa ka hadlay wax-qabadkii Xukuumadda oo ay ka mid yihiin; soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd waddamo shisheeye, hir-gelinta xarumo dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas  oo ay booqasho ku tageen xubnaha labada aqal ee baarlamanka.

Mar uu soo hadal-qaaday dhismaha garsoorka madax-bannaan ayuu xusay in loo baahan yahay in la helo garsoor ay shacabku ku kalsoonaan karaan kaas oo uu sheegay inuu udub dhexaad u noqon karo hanaanka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhanka kale tilmaamay in shuruucda haatan loo maro nabadaynta dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii.

Dhanka kale, Safarkii uu madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid gobollada dalka ayuu Jawaari ku sheegay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu safarkiisu qayb ka ahaa dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha iyo guddiyada u xil-saaran dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-eegida dastuurka Dalka ay dar-dar-geliyaan soo gudbinta ajandayaashaas, si baarlamanka Somalia uuu ugu doodo una meel mariyo, isagoo codsaday in lagu dhaqaaqo ballan-qaadyadii ay hore u samaysay xukuumadda Soomaaliya.

PUNTLAND POST