Ciidamada Dowlada oo la wareegay Deegaanka Gamboole

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Gamboole oo dhaca duleedka Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay halkaasi ay la wareegeen.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu talagalay in Al-Shabaab ay ka saaraan gobolada dalka ayaa saaka aroorinimadii la wareegay deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa isaga deegaankaasi kadib  markii ciidamadaan dowlada oo aad u hubeeysan ay ka soo amba baxeen magaalada Jowhar oo hadda xarun u ah Hir Shabelle.

Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamo ay afka u duubanyihiin oo katirsan kuwa dowlada ay deegaankaasi la wareegeen.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay maanta deegaankaasi kula balansanaayeen ganacsatada Sh/Dhexe inkastoo ciidamada dowlada ay la wareegeen.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano iyo degmooyin hoostaga Gobolka Sh/Dhexe waxaana xusid mudan in ciidamada dowalda ay wadaan qorshayaal Al-Shabaab ay uga saarayaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho