Duqa Garoowe oo soo af-meeray safarkiisi Imaaraadka Carabta.

Duqa Caasumadda Puntland,Xassan Maxammed Ciise(Goodir) oo maalmahan safar ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maalinta berri ah la filaya in uu dib ugu soo laabto magaalada Garoowe.

Xassan Goodir ayaa intii ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta kulan la qaatay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalkaasi iyo sidoo kale jaaliyadda reer Puntland ee dalka UAE,isagoo ganacsatada halkaas ku sugan ka codsaday in ay qeyb ka noqdaan dadaalka lagu horumarinayo adeegyada as-aasiga ah ee caasumadda Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsatada reer Puntland ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu la kulmay duqa ay balan qaadeen in ay doorkoda ka ciyaarayan dadaalka loogu jiro in dab-demisyo loo soo iibiyo magaalada Garoowe.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net