Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo digniin u jeediyay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad Garoowe lagu qabtay,ayaa Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska ee Puntland uga digay in ay haweeenka u raadiso xuquuq ka baxsan tan Shareecada Alle ku xusan.

Mudane.Cameey ayaa sheegay in haweenka Puntland ay xilal fiican ka hayaan xukuumadda haatan jirta ee madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali,balse aan loo baahneyn in Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska ee Puntland ay raadiso xuquuq aan jirin iyo dhaqan laga keenay reer Galbeedka oo Diinta ka horjeeda.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa haweenka Puntland ugu baaqay in ay samir iyo dulqaad muujiyaan si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayan,islamarkaana ay ilaaliyaan Diinteenna Suubban.

Halkaan ka daawo 

PUNTLAND POST