Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaano ayaa xlay kulan gaar ah la qaatay maamulka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan guddoomyeyaasha degmooyinka iyo wasiirka arrimaha gudaha DF.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ammaanka Mudisho, iyadoo sidoo kale looga hadlay hawlaha maamulka gobolka Banaadir uu qabto, waxaana lagu tir-tirsiiyay maamulka gobolka Banaadir inay hawlahooda xoojiyaan.

Inkastoo aan saxaafadda lala wadaagin qodobbadii looga hadlay kulankaan ayaa haddana waxay wararka hoose sheegayaan in guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir lagu war-geliyay inaan xilalka laga qaadayn, taas badalkeedana looga baahan yahay inay xoojiyaan shaqooyinkooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan ka dhacay Qaraxyo khasaarooyin kala duwan geystay, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirtay  Dowladda Somalia muddo sannado ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa dhawaanahan wuxuu la lahaa kulammo kala duwan mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka Soomaaliya kulammadaasoo looga hadlay sidii amniga caasimadda Somalia loo adkeyn lahaa.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku boorriyay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir in ay xoojiyaan amniga degmooyinka, taasoo uu sheegay inay kaalin weyn ku leedahay adkeynta amniga guud ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho ayaa ka cabanayay dhawaanahan jidadka Muqdisho oo intooda muhiimka ah la xiray, inkastoo maalmo kaddib dib loo furay waddooyinka Muqdisho, iyadoo aan la sheegin sababihii waddooyinka loo xiray.

PUNTLAND POST