Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo wajahan 13 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo cilinayo dalka Liibaya.
Muwaadiniintaan ayaa Goordhow ka soo Amba baxay Magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya iyaga oo soo mari doono Dallka Tunisia iyo Turkey .
Muwaadiniintaan ayaa kamid ahaa kuwa Tahriib ahaan ku galay dalkaasi islamarkaasina ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala dalkaasi Liibiya.
Muwaadiniintaasi ayaa waxaa ay doonayeen in ay tahriib ahaan ku galaan wadamada Reer Yurup kadib Markii ay ka farxadeen dhibaatada Amni daro iyo shaqo la aan ee ka jira Soomaaliya .
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii muwaadiniintaasi dib loogu soo cilin lahaa Dalkooda hooyo ee Soomaaliya.
Sida ay sheegtay wasaarada Arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Danjire Dr. Cali Siciid Faqi oo ah Danjiraha Midowga Yurup u qaabilsan Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii dib Dhalinyaradaan loogu soo cilin lahaa dhulkooda Hooyo.
Hoos ka Daawo Sawirada
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho