Shirkada DP-World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay hadal ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
Sheekh Sultaan Axmed Ibnu Saliim oo ah Madaxa ugu sareeyo ee Shirkada DP World ayaa si caro leh uga jawaabay hadalka Ra’iisul wasaare Kheyre isaga oo sheegay in Dowlada Soomaaliya aanay quseeynin heshiiskaasi.
Sultaan Axmed Ibnu Saliim ayaa yiri “Nama quseeyaan waxa kasoo yeeray dawladda Soomaaliya, Somaliland waa dal madax-bannaan 28 sano”
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya aanay awoodin in ay soo faragaliso heshiiskaasi isaga oo sheegay in uu ku koobanyahay oo kaliya sadaxda dhinac ee heshiiska galay ee Somaliland, DP World iyo Dowlada Itoobiya.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in aan laga la tashan islamarkaasina uu yahay sharci daro heshiiskii Somaliland iyo DP World iyo Itoobiya dhexmaray.
Hoos ka Daawo Muuqaalka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho