Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda wado qorsho ay Mooshin kaga gudbinayaan heshiiskii dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkada DP-World.
Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskaasi iyo qaabka loo qeybsaday Saamiga.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad oo furmi doono maalmaha soo socdo ay Baarlamaanka horgeyn doonaan Mooshin arintaasi ay kaga soo horjeedaan.
Waxa uu sheegay in heshiiskaasi dhexmaray Somaliland iyo DP World uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn Baarlamaanka uu matalaya shacabka Soomaaliyeed ay ka hor imaan doonaan.
Dhowaan ayeey aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka soo laabtay safar uu ku tagay Imaaraadka uu sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka.
Somaliland ayaa ka jawaabtay arintaan iyada oo sheegtay in Somaliland ay u madax banaantahay heshiisyada ay galeeyso.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho