Dowladda Somalia oo heshiiskii DP World ee Dekedda Berbera ku tilmaantay Sharci darro

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay kaga hadashay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay wada-galeen Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Shirkadda DP World, ayaa shalay ku dhawaaqday in heshiiska Dekedda Berbera saami dhan 19% ay ku yeelaneyso Dowladda Itoobiya, halka ay Somaliland ku yeelanayso 30%, Shirkadda DP World ay iyaduna helayso saami dhan 51%.

Bayaankan ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka ayaa hoosta looga xariiqay in heshiiskan uu yahay mid lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. waxayna intaas ku dartay in heshiiskan uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aan loo marin Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, qoraalka Wasaarada ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya aanay qayb ka ahayn, cidna wakiil uga aheyn heshiiskaas in lala saxiixdo DP World.

AKHRISO War-saxaafadda kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka DFS;

PUNTLAND POST