Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug.
Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga madaxweyne Xaaf ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Xaaf ayaa kulamo la qaadan doono Madaxa xukuumada Gal-Mudug Sh Maxamed Shaakir iyo xubnaha maamulka ee ku sugan Dhuusamareeb.
Dhowaan waxaa isku biiray oo heshiiyay dhinacyada Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo ku midoobay magaca Gal-Mudug waxaana iminka la sii dhameeystirayaa waxyaabihii lagu heshiiyay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post