Aadan Barre Ducaale oo loo xukumay Doorashada Kursigii Deegaanka Gaarisa


Nairobi (PP) ─
Maxkamadda sare ee Magaalada Nairobi ayaa saakay u xukmisay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya – kursiga xildhibaannimo ee Gaarisa, kaasoo dhawaan dacwad laga gudbiyay.

Faarax Macalin oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa dacwad ka gudbiyay kursigan oo markii hore looga adkaaday, balse garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in caddeyn ku filan uu u keeni waayay eedihii uu soo jeediyay ee doorashada kursigan.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa sharci ku tilmaamtay doorashada kursigaan, Waxaana Faarax Macallin ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan lix milyan oo shillinka Kenya ah, taasoo qayb ka mid ah la siinayo Xildhibaan Ducaale, halka qaybta kale la siin doono guddigii doorashada ee baaritaankan waday.

Qaar ka mid ah kuraasta doorashadii baarlamaanka dalka Kenya ayaa laga keenay muran, kaddib markii xubno ku guul-darreystay doorashooyinkii ka dhacay deegaannada qaarkood ay diideen natiijadii soo baxday.

Dhanka kale, Faarax Macalin ayaa sheegay inuu xushmeynayo maxkamadda sare ee Nairobi, laakiinse go’aanka uu ahaa mid khalad ah, isla markaana uu racfaan ka qaadanayo.

Ugu dambeyn, Doorashada kursiga xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa ahayd kuwii uu ka dhashay murankii ugu adkaa, waxaana wali maxkamadda yaalla dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii Doorashooyinka deegaannada Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

PUNTLAND POST