Dowladda Uganda oo si adag uga hadashay shil ay ciidankeedu ku dileen Askar Somali ah

Kampala (PP) ─ Dowladda Uganda ayaa difaacday rasaastii ay ciidamada ka tirsan AMISOM ku fureen ciidammo Somali ah habeenkii Jimcaha ahaa ee lasoo dhaafay xilli ay marayeen isgoyska KM-4 ee Muqdisho, rasaastaas oo ay ku dhinteen laba askari oo Soomaali ah.

Taliyaha ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, Jen. Paul Lokech ayaa la sheegay inuu la socday kolonyada gaadiidka ah, isla markaana uu bixiyay amarka lagu furay rasaasta dhimashada sababtay.

Afhayeenka Ciidanka Uganda, Jen. Richard Karemire ayaa arrintaan si kulul uga hadlay, isgaoo sheegay inay ciidamadooda iska difaaceen rasaas lagu soo furay, xilli ay kusii jeedeen saldhigooda Xalane.

“Rasaas ayaad nagu fureysaa, markaa waxaad noqoneysaa bartimaameed sharci ah oo aanu beegsanayno. Ciidamadeeda way is difaacayeen xilliga ay rasaasta furayeen,” ayuu yiri Jen. Richard Karemire  oo raaciyay hadalkiisa inaan Soomaaliya la kala garaneyn cida ku tooganayso iyo cida kale.

Gaadiid ciidan oo ka koobnaa sagaal gaari oo AMISOM ah oo uu hor-kacayay taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga, ayaa u gurmaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia kaddib markii ay weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Al-shabaab, iyagoo xilligii uu shilku dhacayayna waday dhaawacyo ay kasoo qaadeen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Afhayeenka Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay in la hor joogsado kolonyo ciidamada AMISOM ah oo aanay suuragal ahayn in cid kale lagu khaldo.

“Ma jirto cid kale oo nagula qaldi karo ama nalagu kahi karo, xilligaa waxaan gurmad u aaday madaxtooyada oo weerarku uu ku socday, waxaana sidnay dhaawacyo aan isbitaal u wadnay,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Karemire.

Ugu dambeyn, Iyadoo is-rasaaseynta dhex-maray askarta AMISOM iyo NISA la baarayo ayuu afhayeenka ciidamada Uganda ku adkeystay in sharciga u yaalla AMISOM uu yahay inay rasaas ku jawaabaan mar kasta oo lasoo weerarro.

PUNTLAND POST