Dowladda oo Sheegtay In La Toogtay Al-Shabaab Doonayay in ay Galaan Madaxtooyadda

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray howlgalkii looga hortagay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo caawa weerar iyo qaraxyo ka geystay magaaladda muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob barkinkiga Gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT,sidoo kale Gaari saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku dhaafo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin isgoyska Sayidka,daqiiqado kadib ayuu gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Dhagaxtuur.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in la soo afjaray howlgalkaasi,islamarkaana ciidanku ay dileen ilaa 5 katirsan Shabaab oo ku labisnaa darees kaaki ah oo loo ekeysiiyay kuwa ciidamada Booliska Soomaliyeed,kuwaasi oo ay ka hortageen ciidamo fariisin ku lahaa barkantarool oo kutaala Sayidka.

Inta la xaqiijiyay 18 ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaliya ayaa ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay Isgoyska KM Zero Jubba, 20 kalana waa ay dhawacantay, sida uu xaqiijiyay madaxa ugu sareeya Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Amiin Ambulance.

Dhanka kale Mas’uuliyadda qaraxyadda caawa ka dhacay Magaaladda muqdisho waxaa sheegtay Al-shabaab.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Puntland Post