Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xukuntay Sarkaalkii dilka u geystay Abaanduulahii Ciidamada Badda Soomaaliya.
Maxkamada ayaa dil toogasho ah ku riday G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido Aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan dhageysatay dacwada G/sare Cabdinaasir Xoosh oo gacantiisa ku dilay Sareeye Guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.
Taasi ayaa ka dhigeysa Sarkaalkii ugu horeeyay oo dil bareer ah u geysta sarkaal kale kadib muran soo kala dhaxgala
Qareenka u doodaya Gaashaanlaha la xukumay ayaa hore u qiray in sarkaalku uu dilay Abaanduulaha isaga oo ku baaqay in eedeeysanaha loo naxariisto islamarkaasina uu dhiibo diyo.
Hoos ka dhageeyso codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho