Ganacsiga Suuqa Bakaaraha Qaarkiis oo dib u furmay iyo Murankii Canshuurta oo Taagan

Muqdisho (PP) ─ Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa qaarkood dib loo furay saakay oo Talaado ah, kaddib markii sababo la xiriira canshuur ay soo kordhisay dowladda Somalia ay u xirnaayeen labadii casho ee lasoo dhaafay.

Dib u furidda qaybo ka mid ah suuqan oo ah kan ugu weyn Soomaalia ayaa imaanaysa iyadoo aan wax xal ah laga gaarin murannadii Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Somalia u dhexeeya ee ku aaddanaa canshuuraha ay dowladdu soo kordhisay.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo kulan shalay Muqdisho ku dhex-maray ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka Somalia aan wax xal lagu gaarin.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku adkeysaneysa in canshuurta iibka ee lagu kordhiyay badeecadaha lagu qaado Dekedda, halka Ganacsatada ay diiddan yihiin in alaab aan wali suuqa la geyn laga qaado canshuurta 5% ah.

Dhanka kale, Golaha wasiirrada Somalia oo shalay Muqdisho ku kulmay ayaa soo jeediyay in canshuurta in la qaado ay tahay mid lagama maarmaan ah si ay dowladdu hawlaheeda ugu fududeyso.

Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta la filayaa in kulan gaar ah ka yeesho arrintan is mari waaga keena ee u dhexeys Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Somalia.

PUNTLAND POST