Taliyeyaal loo magacaabay Nabad-sugidda, Asluubta iyo Booliiska

Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda iyo Asluubta, kuwaa soo loo magacaabay mas’uuliyiin qaarkood horay xilal uga soo qabtay taliska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliya ayaa loo magacaabay, Xuseen Cismaan Xuseen oo xilligan ahaa wasiir ku xigeenka caafimaadka, halka Booliiska loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed iyo Asluubta oo loo magcaabay, Jen. Bashiir Maxame Jaamac (Goobe) oo xilkan horay u hayay.

Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dhwar bilood lahayn wax taliyeyaal ah, kaddib markii mas’uuliyiintii xilalkaas horay u hayay laga qaaday xilalkii, sababo la sheegay inay ahayd xil-gadusho la’aan.

Inkastoo horay loo saadaaliyay in xilalkan loo magacaabi doono mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowladda, ayaa haddna waxay mas’uuliyiinta loo magacaabay xilalkan ay fajaciso ku noqdeen qaar ka mid ah shacabka.

Dhanka kale, Kulanka golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay muranka ku aadan canshuurka lagu mursan-yahay, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay goluhu ka qaateen arrintaan.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Puntland Post

PUNTLAND POST