Garsoore Cabdiqawi oo ka hadlay dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Dr Cabdiqawi Axmed oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Maxkmada Caalamiga ah ee aduunka ayaa ka hadlay Dacwada Badda ee u dhaxeeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakim Cabdiqawi oo la hadlay BBC-da ayaa ugu horeeyn wax laga weeydiiyay sida ay u saameeyneeyso Maadaama isaga uu ka soo jeedo dalka Soomaaliya.

“Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma lahan, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go’aan ka gaaro , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan” ayuu yiri Garsoore Cabdiqawi.

Waxa uu sheegay in aanu ka baxeeynin Dacwada islamarkaasina uu qaadayo “mana ahan haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka boxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax kasoo abaabulay dacwada”ayuu markale yiri

Ugu dambeeyntii Garsoore Dr Cabdiqawi ayaa sheegay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ugu faa’iideeyn doono dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post