Wasaaradda Hawlaha Guud oo Bosaso ku qabatay shir ku saabsan xeerka maareynta dhulka.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Puntland ayaa shir wada tashiya oo ku saabsan xeerka maareynta dhulka magaalooyinka Puntland ku qabatay magaalada Bosaso, waxaana shirkaas kasoo qeybgalay  gollaha deegaanka Bosaso, Waaxyaha maamulka Dowladda Hoose, Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud heer Gobol, Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Maamulka Gobolka Bari, Odoyaasha dhaqanka, Culimo udiin,Saraakiil ka socota Maxkamadaha, Aqoonyahano, Dalaaliinta dhulka iyo Ganacsatada.

Shirkaan oo daba socda kulamo wada tashi oo horey loogu soo qabtey magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ayaa looga hadlay qaabeynta mustaqbalka dhaw ee magaalada iyo Xeerarka maareynta dhulka.

Wuxuuna qeyb ka yahay barnaamijkan mashruuca horumarinta dowladdaha hoose ee JPLG , Waxaana gacan ku siinaya Wasaaradda Hay,adda UNHABITAT.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST