Wadahadallada Kenya ku dhexmaraya ONLF iyo Itoobiya oo galay maalintii Saddexaad

Nairobi (PP) ─ Waxaa maalintii saddexaad galay wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo Jabhadda ONLF ee Itoobiya ka dagalanta iyo Dowladda dalkaas, kuwaasoo ka socda goob qarsoodi ah.

Afhayeenka Jabahdda C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa BBC-da u sheega in wadahalladan ay u muuqdaan kuwo miro-dhal noqon kara, iyadoo saddex sano ka hor ay soo billowdeen wadahadalladan.

“Ma ahan markii ugu horreysay oo ONLF iyo Itoobiya ay wadahadalladan oo kale isugu yimaadaan, balse waxaan innagu go’aansanay in hab wadahadal ah lagu dhameeyo khilaafka muddada fog soo billowday,” ayuu Hirmooge ku sheegay wareysigiisa.

Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabahadda ONLF ayaa sannadihii 1989-kii iyo 1990-kii isugu yimid wadahadallo noocan oo kale, inkastoo ay guul-darro ku dhammaadeen.

Wadahadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah xubno Xukuumadda Kenya ka tirsan, kuwaasoo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahalladan xilligaan u socda labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Kenya ee wadahalladan dhex-dhexaadinta ah hoggaaminaya ayaa waxaa ka mid ah; Xildhibaan Yuusuf Xasan, Guddoomiyaha Maamulka Gaarisa, Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Afeey, waxayna dhammaantood muujiyeen rajo-wanaagsan.

“Kulammadan socda waxaan rajeynaynaa inay kasoo baxaan natiijo wax ku nool ah, waxaana jiri doona kulammo kale oo heshiisyo lagu kala saxiisan doono,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka Jabahdda Itoobiya dagaalka ka wadda ee ONLF.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Itoobiya ayaa waxaa wadahadalladan dhankooda u matalaya xubno ka socda wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muujinaya rajo ka wanaagsan wadahalladii kuwan ka horreeyay.

PUNTLAND POST