Shir ku saabsan sare u qaadidda doorka Dhalinyarada ee la-dagaallanka Musuq maasuqa oo Garoowe lagu qabtay.

Shirka kor uqaadida Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq- maasuqa iyo doorka ay qaadankaran dhaliinyaradda kasoo baxday jaamacadaha puntland ayaa maanta lagu qabatay magaalada Garowe.

shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ka socota dowladda Puntland dhalinyada wax kabarta jaamacadaha iyo Marti sharafkale.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa dowladda Puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo shirka ka kadlay ayaa sheegay in dhalinyarada aqoon-yahanka ah ay door shariif ah ka qaadan karaan cirib-tirka Musuq-maasuqa iyo hirgelinta Maamul wanaagga,isagoo dhalinyarada ku boorriyay in ay doorkaasi ciyaaraan.

Dhinaca kale Agaasimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda Puntland,Axmed Cabdalle Tigaana ayaa isaguna dhalinyarada ugu baaqay in kacdoon lagu qaado Musuq-maasuqa,islamarkaana ay laga shaqeeyo hirgelinta Maamul wanaagga.

Mudane. Tigaana ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddiisu ay doorka kaga aaddan ka qaadanayso la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo hirgelinta Maamul wanaag ka hana qaada degaannada Puntland.

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa dowladda Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlaneyd shirar ra’yi wadaag ah oo ku saabsan la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo hirgelinta Maamul wanaag,iyadoo arrintaasi ay shaqo ballaaran ka qabatay.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST