Hay’ad qaabilsan Dib u heshiisiinta Qaranka oo la dhisayo.

In ka badan soddon khubaro, cilmi-baareyaal, iyo aqoonyahaanno ayaa shalay isugu yimid caasimadda Soomaaliya bilowgii kulan socon doona muddo seddax maalmood oo ku aaddan horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiin qaran ee Soomaaliya.

Kulanka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaaliya ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu yagleelo hay’ad gacan ka geysan doonto dadaallada looga hortagayo colaadda iyo dib u heshiisiin, kuwaas oo inta badan loo arko kuwo shuruud u ah in ay Soomaaliya hesho xasillooni waarta. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Khubarrada waxaa ay isugu yimaadeen in ay is weydaarsadaan aqoontooda iyo khibraddooda iyo in ay isla eegaan sida ay si wadajir ah waayo-aragnimadooda ku jiheyn karaan wax ka qabashada caqabadaha waaweyn ay Soomaaliya la tacaaleyso,” ayuu ku faahfaahiyay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, markii si rasmi ah loo furayay kulanka.

Qoraallo ka kooban warbixinnada khubarrada oo ay diyaariyeen hay’adaha ku sugan Soomaaliya iyo kuwa aan ku sugneyn ayaa laga arrinsan doonaa si aad loogu kuurgalo isbeddellada colaadaha ee dalka, iyo in la isla eego siyaabaha loo afjari karo dagaallada. Waxaa socdaa qorshe lagu daabacayo qoraallada, oo laga dhigayo buug dhammaadka sanadkan.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale eegi doonaa tallaabooyinka dhabta ah ee lagu horumarin karo nabadda iyo dib u heshiisiinta heer qaran iyo heer maamul goboleed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka ah, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa muujiyay sida ay xukuumaddiisa uga go’an tahay in la helo nabad waarta, waxaa uuna soo dhaweeyay aragtiyada khubarrada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba ee ku aaddan arrintaasi.

“Waxaan dooneynaa in aan ka faa’iideysanno dadaalladiinna aanna dhaqangelinno waxyaabaha aad soo jeedisaan kaddib munaaqashadiinna labada maalmood ee soo socda,” ayuu yiri Wasiir Sabriye. “Khibradihiinna muddada dheer iyo aqoontiinna ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo maareeynta waxtar weyn ayay u leedahay Soomaaliya iyo dadaallada lagu yareynayo ugu dambeyntina lagu soo afjarayo dagaallada.”

Madaxa Safaaradda dalka Norway ee Soomaaliya, Vebjørn Heines, ayaa xusay in dadaallada ay dalkiisa Scandinavian-ka ah ku bixiso xallinta colaadaha Soomaaliya iyo horumarinta dib u heshiisiinta in ay socdeen tani iyo sanadkii 1995 xilligaas oo ay dowladda Norway martigelisay kulan looga hadlaayay nabadda dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

“Intaasi oo sano kaddib, waxaan u maleynayaa in wax badan ay inaga dhiman tahay, si aan u hubinno in go’aammadeenna iyo tallaabooyinkeenna ay yihiin kuwo si fiican looga baarandegay,” ayuu xusay Mudane Heines.

“Arrintaan, anaga sida inoo muuqata, waa sida ay ka dhawaajiyeen Wasiirka iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Keating – in loo yeelo Dowladda, bah-waadagta muwaaddiniinta ah iyo kuwa caalamiga ahba, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, hay’ad cilmi-baadhis ah iyo soo jeedimo horumarin kara awoodda loo leeyahay in laga hortago colaadaha,” ayuu yiri dibluumasigan ka socda dalka Norway.

Khubarrada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah iyo cilmi-baareyaasha ayaa waxaa loo kala qaaday kooxo ka wada-shaqeyn doono mowduucyo sida al-Shabaab, dib u heshiisiin qaran, iyo ganacsi iyo horumarinta.

Xigasho:https://unsom.unmissions.org